Job Description
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Maamulka Shaqaalaha (36 Boos)
• Waqtiga U Danbeeya: Oct 04, 2026
• Institution: Dhammaan Hayadaha
• Experience: 7
• Public Experience: 3
• Qualification: Bachelor Degree
• Job Category: Human Resource And
• Job Type: Full Time
• No. of Positions: 36
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Maamulka Shaqaala
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda
Baahin Shaqo Tartan Gudaha ah ee
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Maamulka Shaqaalaha
Hordhac
Iyada oo laga duulayo hormarka laga sameeyey dib u habeynta maamulka dowliga ah guud ahaan, hay’adaha dowladda iyo shaqaalaha dowladda ee dhinacyada shuruucda iyo maamulka, waxaa muhiim ah in la xoojiyo hannaanka maareynta iyo horumarinta shaqaalaha ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda. Dib u haybayntan waxa ay ku salaysan tahay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sharciga Shaqaalaha, Xeernidaamiyaasha shaqaalaha iyo shuruucda kale. Ujeeddooyinka ugu muhiimsan waxa ka mid ah, in la helo nidaam maamul oo hufan isla markaana kor u qaad tayada, kartida iyo waxqabadka Hay’adaha Dowladda.
Si looga hirgeliyo ujeeddooyinka dib u habaynnada, waxa tartan furan oo gudaha ah una siman yihiin shaqaalaha dowladda ee buuxiya shuruudaha shaqada lagu buuxinayaa xilka Agaasimaha Waaxda Arrimaha Maamulka Shaqaalaha ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda. Agaasimaha Waaxda Arrimaha Maamulka Shaqaalaha wuxuu leeyahay door muhiim ah oo ku saabsan hirgelinta siyaasadaha, xeerarka, istaraatiijiyadaha iyo habraacyada maamulka shaqaalaha ee Wasaaradda ama Hay’adda. Sidoo kale, wuxuu masuul ka yahay horumarinta aqoonta, kartida iyo xirfadaha shaqaalaha, qorshaynta iyo maaraynta horumarinta shaqaalaha, dallacsiinta iyo dhiirrigelinta shaqaalaha, iyo korjoogteynta nidaamka qiimeynta waxqabadka.
Sidaas darteed, Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, wuxuu shaqaalaha dowladda ee buuxin kara masuuliyadaha iyo shuruudaha shaqada looga baahan yahay u soo bandhigaya shaqo qaadasho gudaha ah (internal merit-based recruitment) oo lagu qaadanayo Agaasimaha Waaxda Maamulka Shaqaalaha.
Shaqo Qeexaha Agaasimaha Waaxda Maamulka Arrimaha Shaqaalaha
Wasaaradda/Hay’adda Wasaaradda/Hay’adda Dowladda ee liiskoodu hoos ku lifaaqan yahay
Jagada/Xilka Agaasimeyahaasha Waaxda Arrimaha Maamulka Shaqaalaha (Human Resource Director)
Darajada A
Nooca Shaqada Shaqo Joogto ah
Goobta Shaqada: Mogadishu, Soomaaliya
Kormeeraha Tooska ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda/Hay’adda
Dulmar Guud oo ku Saabsan Nooca Shaqada: Agaasimaha Waaxda Arrimaha Maamulka Shaqaalaha wuxuu masuul ka yahay hoggaaminta iyo jihaynta istiraatiijiyadeed ee maamulka iyo horumarinta shaqaalaha Hay’adda. Wuxuu hubiyaa dejinta iyo hirgalinta in qorsheynta cududda shaqaalaha, shaqo qorista, horumarinta kartida, maareynta waxqabadka, xiriirka shaqaalaha, maareynta xogta iyo u hoggaansanaanta siyaasadaha iyo xeerarka shaqaalaha si hufan loo maareeyo. Sidoo kale, Agaasimuhu wuxuu xaqiijiyaa in Waaxda Maamulka Shaqaaluhu si wax-ku-ool ah u taageero ujeeddooyinka, waxqabadka iyo baahiyaha istiraatiijiyadeed ee Hay’adda.
Mas’uuliyadaha & Waajibaadyada Shaqada: Masuuliyadda Heerka Hoggaaminta ee Shaqada
Hoggaaminta iyo hagidda Waaxda Maamulka Shaqaalaha si loo xaqiijiyo in howlaha shaqaalaha si hufan, caddaalad ah, oo waafaqsan siyaasadaha iyo xeerarka adeegga dadweynaha loo fuliyo.
Dejinta iyo hoggaaminta jihada istiraatiijiyadeed ee Waaxda, iyadoo la hubinayo in qorshayaasha iyo mudnaanta shaqaalaha ay la jaanqaadaan ujeeddooyinka iyo baahiyaha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda/Hay’adda.
Dhisidda iyo kobcinta dhaqan shaqo oo ku salaysan wadashaqeyn, daahfurnaan, islaxisaabtan, iyo horumar joogto ah.
Hoggaaminta iyo dhiirigelinta shaqaalaha Waaxda si loo kordhiyo waxqabadka, horumarinta kartida, iyo tayada adeegyada Kheyraadka Aadanaha.
Matalaadda Waaxda ee kulamada maamulka sare iyo xiriirka hay’adaha ay khuseyso, gaar ahaan arrimaha maamulka, horumarinta iyo maareynta shaqaalaha.
Bixinta talo istiraatiiji ah oo ku saabsan arrimaha shaqaalaha, qorshaynta cududda shaqaalaha, horumarinta kartida, maareynta waxqabadka, iyo baahida shaqaale ee Hay’adda.
(Musuuliyadda Heerka Qorsheynta shuruucda iyo Istaraatiiyadaha ee Shaqadu u baahan tahay) Hoggaaminta iyo hirgelinta siyaasadaha, Xeerka Shaqaalaha Rayidka iyo xeernidaamiyaashiisa, istiraatiijiyadaha, iyo habraacyada Kheyraadka Aadanaha ee Dowadda.
Xaqiijinta in siyaasadaha iyo nidaamyada Maamulka Shaqaalaha waafaqsanaadaan shuruucda iyo xeerarka Dowladda ee khuseeya shaqada.
Dejinta qorshaha sannadlaha ah ee Kheyraadka Aadanaha, iyadoo la qiimeynayo lana qorsheynayo baahida shaqaale, horumarinta kartida, iyo qorsheynta u diyaarinta shaqaale jagooyinka sar sare ama muhiimka ah marka loo baahdo.
Hoggaaminta qorsheyaasha horumarinta xirfadaha, dhiirigelinta shaqaalaha, iyo hindisayaasha lagu xoojinayo waxqabadka iyo horumarinta shaqaalaha Hay’adda.
Diyaarinta iyo soojeedinta warbixinno iyo talooyin istiraatiiji ah oo ku saabsan qorsheynta iyo maamulka shaqaalaha, horumarinta kartida, iyo baahiyaha Kheyraadka Aadanaha si loogu gudbiyo maamulka sare
Heerka go’aan qaadasho ee ay u baahan tahay Shaqadu: Qaadashada go’aanno xog ku dhisan oo ku saabsan qorista, dallacsiinta, horumarinta, iyo maamulka shaqaalaha, iyadoo la raacayo siyaasadaha iyo xeerarka khuseeya arrimaha maamulka shaqaalaha.
Falanqaynta xogta shaqaalaha, iyo warbixinnada waxqabadka si loo taageero go’aan qaadasho ku salaysan xog iyo caddaymo lagu kalsoonaan karo.
Xaqiijinta in go’aannada iyo tallaabooyinka Maamulka Shaqaaluhu waafaqsan yihiin siyaasadaha, xeerarka, xeernidaamiyeyaasha shaqaalaha, iyo qorshayaasha Hay’adda.
Daadajinta hawlaha iyo go’aannada ku habboon heerarka maamulka ee hoos yimaada xilkan, iyo kormeeridda fulintooda si loo hubiyo joogteyn, islaxisaabtan, iyo hufnaan.
Heerka Shaqada looga baahanyahay ee ku lug lahaanshaha diyaarinta qorsheyaasha hawleed, maaliyadeed, korjoogteyn,
warbixineed iwm: Diyaarinta qorshaha sannadlaha ah ee Waaxda, oo ay ku jiraan qorshaha cududda shaqaalaha, tababbarka iyo horumarinta shaqaalaha.
Kormeeridda maamulka mushaharka iyo xuquuqaha shaqaalaha, iyadoo lala kaashanayo Waaxda Maamulka & Maaliyadda si loo hubiyo saxnaanta xogta shaqaalaha iyo in xuquuqaha la xiriira mushaharka iyo gunnooyinka si habboon oo waqtigooda ah loo maareeyo.
Kormeeridda barnaamijyada iyo habraacyada maamulka shaqaalaha si loo hubiyo u hoggaansanaanta Xeerka Shaqaalaha Rayidka, siyaasadaha iyo xeernidaamiyaasha maamulka shaqaalaha.
Lasocoshada nidaamka maareynta waxqabadka shaqaalaha iyo falanqaynta natiijooyinka, si loo qiimeeyo heerka fulinta iyo in loo diyaariyo warbixinno istiraatiiji ah oo taageera maamulka sare.
Diyaarinta warbixinnada xilliyeed iyo sannadlaha ah ee ku saabsan waxqabadka Waaxda, horumarinta shaqaalaha, iyo fulinta qorshayaasha Waaxda.
Heerka adeeg bixinta iyo hal abuurnimo ee ay u baahanyahay Shaqada: Hagaajinta tayada, hufnaanta, iyo waxtarka adeegyada Kheyraadka Aadanaha ee loo fidiyo shaqaalaha Hay’adda.
Hoggaaminta adeegsiga HRMIS-ka iyo xalalka tiknoolajiyadda si loo casriyeeyo maamulka xogta shaqaalaha, diiwaannada, iyo warbixinnada Kheyraadka Aadanaha.
Horumarinta nidaamyada horumarinta shaqaalaha, iyo maareynta waxqabadka si loo kordhiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada maamulka shaqaalaha.
Hirgelinta hindisayaal lagu kobcinayo ka qaybgalka, dhiirigelinta, iyo horumarinta shaqaalaha, iyo abuuridda jawi shaqo oo ku dhisan kalsooni iyo wadashaqeyn.
Ka qaybgalka wadatashiyada iyo iskaashiga daneeyayaasha khuseeya arrimaha maamulka iyo horumarinta shaqaalaha
Kaalinta Kormeerka ee Jagadan Maamulidda shaqaalaha si loo hubiyo in Waaxdu leedahay shaqaale, awood iyo habmaamul ku filan oo ay ku fuliso waajibaadkeeda.
Qaybinta iyo iskudubbaridka shaqada iyo waajibaadyada shaqaalaha Waaxda, iyadoo la caddeynayo masuuliyadaha iyo heerarka isla-xisaabtanka.
Dabagalka joogteynta shaqada iyo fulinta waajibaadyada shaqaalaha Waaxda, iyo qaadashada tallaabooyinka maamulka ee lagama maarmaanka ah marka loo baahdo.
Bixinta hagitaan iyo taageero maamul oo ku saabsan caqabadaha shaqada, iyadoo la kobcinayo wada-shaqeynta iyo waxqabadka kooxda.
Maareynta arrimaha maamulka maalinlaha ah ee shaqaalaha Waaxda, oo ay ku jiraan maqnaanshaha, fasaxyada, shaqo qaybinta iyo arrimaha kale ee maamulka shaqaalaha.
Xaqiijinta in shaqaalaha Waaxdu fahmaan waajibaadkooda, heerarka waxqabadka laga filayo, iyo nidaamyada islaxisaabtanka.
U gudbinta maamulka sare arrimaha u baahan go’aan ama faragelin ka baxsan awoodda maamulka Waaxda.
Dadaalka (Maskaxeed & Muruq) ee ay u Baahan Tahay Waajbaadyada Shaqada:
Heerka dadaalka maskaxeed ee ay u baahan tahay waajibaadyada Shaqada: Agaasimaha Waaxda Arrimaha Maamulka Shaqaalaha waxaa looga baahan yahay fikir xeeldheer, falanqayn, feejignaan, iyo awoodda xalinta caqabadaha iyo khilaafaadka shaqada, gaar ahaan marka uu wajahayo arrimo shaqaale oo xasaasi ah iyo xaalado u baahan go’aanqaadasho. Shaqadu waxay ku lug leedahay falanqaynta xog iyo macluumaad kala duwan, qiimeynta xaaladaha, iyo maareynta cadaadiska shaqada, iyadoo loo baahan yahay feejignaan iyo adkaysi maskaxeed oo joogto ah.
Heerka dadaalka muruqeed ee ay u baahantahay waajibaadyada Shaqada: Shaqadu guud ahaan uma baahna dadaal jireed oo culus. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in Agaasimaha looga baahdo joogitaan jireed iyo safaro xaddidan si uu uga qaybqaato kulamo, shirar, tababbarro, iyo hawlo rasmi ah oo la xiriira waajibaadka shaqada
Xaaladaha/Duruufaha iyo Jawiga Lagu Qabanayo Shaqada:
Xaaladaha goobta lagu qabanayo Shaqada (sida gudaha/debedda xafiis, dhaq- dhaqaaqyada, deegsiga aaladaha iwm): Agaasimaha Waaxda Arrimaha Maamulka Shaqaalaha wuxuu inta badan ka shaqeeyaa xafiis iyo goob rasmi ah, iyadoo shaqadu u baahan karto ka qaybgalka kulamo, shirar, tababbarro, iyo hawlo kale oo la xiriira waajibaadka shaqada. Shaqadu waxay inta badan ku dhacdaa jawi xirfadeed oo kooxeed, iyadoo loo baahan yahay wada shaqeyn joogto ah, isgaarsiin wax-ku-ool ah, iyo adeegsiga qalabka iyo nidaamyada casriga ah ee Kheyraadka Aadanaha, oo ay ku jiraan HRMIS-ka
Shuruudaha Aqoon & Khibradeed Ee ay u Baahantahay Shaqada:
Heerka Wax Barasho/Aqoon ee ay u Baahan tahay Shaqadu: Haysta ugu yaraan shahaadada Heerka 1aad ee Jaamacad la aqoonsan yahay gaar ahaan takhasusyada; Arrimaha Maamulka Kheyraadka Aadamiga, Maamulka dowliga ah, Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga, Maamulka, ama takhasusyo kale oo la xiriir la leh shaqada
Haysta Shahaado xirfadeed ee Maamulka iyo Maareynta Shaqaale, ama shahaado kale oo u dhiganta, waxaa loo tixgelinayaa faa’iido dheeraad ah, waxayna sare u qaadaysaa fursadda tartamaha.
Haysashada Shahaadada heerka 2aad iyo 3aad ee jaamacad la aqoonsan yahay waxay sare u qaadaysaa fursadda tartamaha.
Khibradda iyo waaya-aragnimada Shaqadu u baahan tahay: Ugu yaraan 7 sano oo waayo-aragnimo shaqo oo la xiriirta maamulka arrimaha shaqaalaha, maamulka dowliga ah, iyo waaya-aragnimo la xiriirta;
Ugu yaraan 3 sano oo khibrad ah xilal sare oo hoggaamineed ama maamul fulineed, sida maamul/madax qeyb.
Shuruudaha u Qalmidda Tartanka Shaqada Gudaha Shaqadan waxa ay u furantahay dhammaan shaqaalaha dowladda ee ku jira Diiwaanka Shaqaalaha ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda, xuquuqdiisuna gaarsiisan tahay darajada “A”.
Heerka Awooda/kartida iyo hal abuurnimo ee xalinta mushkulidaha
Shaqada: Awood u leh falanqaynta arrimaha adag ee maamulka shaqaalaha, aqoonsiga caqabadaha, iyo soo jeedinta xalal wax ku ool ah.
Awood u leh adeegsiga aqoon xirfadeed, fikir hal-abuur leh, iyo go’aan qaadasho si loo xalliyo caqabadaha shaqada.
Faham wanaagsan u leh mabaadi’da, siyaasadaha, habraacyada iyo xeerarka Kheyraadka Aadanaha
Heerka Xiriirka iyo xirfadaha dadka
dhexdooda ah ee ay u baahan tahay Shaqada: Xirfado sare oo isgaarsiin, xiriir-dhisid iyo wada-shaqeyn ah.
Awood u leh maareynta, dhiirrigelinta iyo isku-xirka kooxaha shaqada.
Awood u leh dhisidda xiriir wanaagsan iyo la macaamilka shaqaalaha, maamulka iyo daneeyayaasha kala duwan.
Leh xirfad heer sare ah oo uu ku diyaarin karo warbixinnada farsamo iyo kuwa maamulka, qorista dukumentiyada rasmiga ah iyo soo bandhigista macluumaadka iyo fagaaro ka hadalka;
Si fiican ugu hadli kara, u qori kara, uguna xiriiri kara afafka Soomaaliga iyo Ingiriisiga;
Heerka Adeegsiga xirfadha Aaladaha casriga ah (Technology) ee ay u Baahantahay Shaqada: Aqoon wanaagsan u leh adeegsiga barnaamijyada kombiyuutarka iyo aaladaha casriga ah ee shaqada.
Xirfad sare u leh adeegsiga barnaamijyada Microsoft Office-ka gaar ahaan Word-ka, Excel-ka iyo PowerPoint-ga.
Khibrad wanaagsan u leh adeegsiga nidaamyada kheyraadka Aadamiga, gaar ahaan HRMIS-ka, iyo maamulka xogta shaqaalaha.
Habka Codsashada Shaqada (How to apply):
Shaqaalaha danaynaynaya ee buuxiya shuruudaha looga baahan yahay waxaa lagu dhiirigalinayaa in ay codsigooda shaqo ku soo gudbiyaan linkigan: https://ncsc.gov.so/p/job-detail?d=37. Fadlan hubi in aad si buuxda u dhammeystirto codsigaaga adigoo adeegsanaya Mareegta Guddiga (NCSC Protal), ugu dambayn 04-October-2026 11:59 PM.
Habka xulashada musharraxiinta wuxuu billaaban doonaa sida ugu dhakhsaha badan marka uu dhammaado waqtiga kamadambaysta ah.
Gabdhaha ku jira shaqaalaha dowaladda waxaa si gaar ah loogu dhiirigalinayaa in ay soo codsadaan shaqada.
Fiira Gaar ah:
Maaddaama shaqadani tahay shaqo u furan shaqaalaha dowladda oo KALIYA, shaqaalaha danaynaya waxa lala socodsiinayaa in lagu gelayo username & password-ka sistemka shaqaalaha (Employee Self Service) adoo isticmaalaya linigan https://ncsc.gov.so/p/candidatelogin (username: SHRDxxxxx password: xxxxxx).
Shaqaale kasta waxa uu u tartamayaa Wasaaradda ama Hay’adda uu ka tirsan yahay.
Lifaaq: Liiska Wasaaraha iyo Hay’adaha Dowladda ee Codsiyadoodu furan yihiin
# Wasaaradda/Hay’adda
1 Wasaaradda Amniga Gudaha
2 Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib Heshiisiinta
3 Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
4 Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka
5 Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta
6 Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
7 Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
8 Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka
9 Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimiladda
10 Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda
11 Wasaaradda Dhaliyaradda iyo Ciyaaraha
12 Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda
13 Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
14 Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta
15 Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda
16 Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga
17 Wasaaradda Maaliyadda
18 Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
19 W. Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka
20 W. Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda
21 W. Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha
22 W. Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
23 W. Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare
24 W. Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
25 Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta
26 Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha
27 Hay`adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka
28 Hay`adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed
29 Hay`adda Socdaalka iyo Jinsiyadda
30 Hayadda Istaatiistikada Qaranka
31 Hayadda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka
32 Hayadda Tayadhowrka Soomaaliyeed
33 Ha’yadda Duulista Rayidka Soomaaliyeed
34 Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda
35 Xafiiska Hantidhowrka Guud
36 Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS
Hadda Xodso
Sida loo codsado
Shaqadan waxaa lagu soo bandhigay FursadLink, codsiyadana waxaa lagu gudbiyaa bogga rasmiga ah ee ururka. Isticmaal badhanka “Ku codso Bogga Rasmiga ah” ee kor ku yaal si aad u sii wadato. Fadlan ku xus “Agaasimaha Waaxda Arrimaha Maamulka Shaqaalaha (36 Boos), Nationwide”. Kaliya codsadayaasha la xushay ayaa la soo xiriiri doonaa. Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa shaqo-bixiye fursad siman siiya dhammaan, waxaanu si gaar ah ugu dhiirrigelinayaa haweenka inay codsadaan.