Job Description
BAAHIN SHAQO – JAGOOYINKA GARSOORIYAAL & XEER-ILAALIYAAL (48 BOOS)
DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA
GUDDIGA IMTIXAANKA QAADISTA GARSOORKA
لجنة امتحان القضاء بولاية جنوب غرب الصومال
SOUTHWEST STATE OF SOMALIA – JUDICIAL EXAMINATION COMMITTEE
Tixraac (Ref): GIQGKGS/01/10/26
Taariikh (Date): 08/10/2026
UJEEDDO: BAAHIN SHAQO – JAGOOYINKA GARSOORIYAAL & XEER-ILAALIYAAL
HORDHAC
Iyadoo la tixraacayo Digreetada Magacaabista ee Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Koonfur Galbeed, Tirsigeedu yahay: Moj/SW/527/26 kuna tariikhsaneyd 01/10/2026, taasoo ku saabsan magacaabidda Guddiga Imtixaanka Qaadista Garsoorka Koonfur Galbeed, Guddigu wuxuu si rasmi ah ubaahinayaa jagooyinka shaqo ee hoos ku xusan, si loo xoojiyo adeegyada cadaaladda, loona buuxiyo baahiyaha ka jira hay’ada garsoorka ee Koonfur Galbeed.
Garsoorku waa hay’adda dowladda ee u xilsaaran ilaalinta iyo dhaqangelinta sharciga, dhowrista xuquuqda aadanaha, xallinta khilaafaadka iyo cabashooyinka ka dhex dhasha bulshada iyo hay’adaha dowladda, iyo fulinta hawlaha kale ee cadaaladda ee uu sharciyu u xilsaaray.
Garsoorku wuxuu u taagan yahay u adeegidda muwaadiniinta iyo dhammaan dadka ku nool dalka, isagoo ku dadaalaya in la helo adeeg garsoor oo ku dhisan hufnaan, madaxbannaani, dhexdhexaadnimo, eex-la’aan, daacadnimo, karti iyo aqoon sharciyeed.
FAAHFAAHINTA JAGOOYINKA
Jagada:
Garsoorayaal iyo Xeer-ilaaliyaal
Goobta shaqada:
Maxkamadaha Darajooyinka Koowaad, Labaad iyo Saddexaad
Tirada jagooyinka bannaan:
48 jago
Taariikhda kama dambaysta ah:
20/10/2026
JAGOOYINKA BANNAAN EE MAXKAMADAHA IYO XEER-ILAALINTA
Jagada
Heerka / Goobta
Tirada
Garsoorayaal
Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed
4
Garsoorayaal
Maxkamadaha Gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose
9
Garsoorayaal
Maxkamadaha Racfaanka Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose
9
Ku-xigeenno Xeer-ilaaliyaha Guud
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud
4
JAGOOYINKA BANNAAN EE MAXKAMADAHA DEGMOOYINKA
Gobolka
Degmooyinka
Tirada
Bay
Baydhabo, Diinsoor, Berdaale, Buurhakaba
8
Bakool
Xudur, Ceel-Barde, Waajid
6
Shabeellaha Hoose
Baraawe, Marka, Wanlaweyn, Afgooye
8
Wadarta
11 degmo
22
SHURUUDAHA JAGO KASTA
Musharraxu waa inuu buuxiyo shuruudaha jagada uu codsanayo, sida hoos ku qeexan:
QAYBTA KOOWAAD | GARSOORAHA MAXKAMADDA SARE (4 Garsoore)
Jagadani waa heerka ugu sarreeya ee maxkamadaha, waxaana musharraxa laga rabaa inuu leeyahay aqoon sharciyeed iyo waayo-aragnimo sare.
-
Noqdo muwaadin Soomaaliyeed, kana soo jeedo deegaannada Koonfur Galbeed.
-
Da’diisu aanay ka rayayn 35 sano jir.
-
Ka haysto jaamacad la aqoonsan yahay, oo ugu yaraan ah shahaadada LL.B ama shahaadada Master-ka (LLM).
-
Leeyahay aqoon qoto dheer oo ku saabsan Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo qawaaniinta dalka.
-
Leeyahay ugu yaraan 6 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan sharciga, garsoorka, xeer-ilaalinta, qareennimada ama shaqo sharciyeed oo la aqoonsan yahay.
-
Leeyahay waayo-aragnimo muuqata oo ku saabsan maaraynta dacwadaha adag, falanqaynta sharciga iyo diyaarinta go’aannada xasaasiga ah.
-
Awood u leeyahay qorista go’aanno xukunsiyeed oo tayo sare leh.
-
Leeyahay aqoon wanaagsan oo Af-Soomaali, Af-Carabi iyo Af-Ingiriisi ah.
-
Awood u leeyahay adeegsiga kombiyuutarka iyo nidaamyada casriga ah ee maamulka garsoorka.
QAYBTA LABAAD | GARSOORAHA MAXKAMADDA RACFAANKA (9 Garsoore)
Maxkamadaha Racfaanka ee Gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
-
Noqdo muwaadin Soomaaliyeed, kana soo jeedo deegaannada Koonfur Galbeed.
-
Da’diisu aanay ka rayayn 30 sano jir.
-
Ka haysto LL.B ama shahaado sharci oo u dhiganta.
-
Leeyahay aqoon wanaagsan oo ku saabsan Shareecada, Dastuurka iyo qawaaniinta dalka.
-
Leeyahay ugu yaraan 3 sano oo waayo-aragnimo shaqo oo ku saabsan sharciga, garsoorka, xeer-ilaalinta ama qareennimada.
-
Leeyahay khibrad ku filan oo ku saabsan racfaannada, dib-u-eegista xukunmada, qiimeynta caddaymaha iyo fasiraadda sharciga.
-
Leeyahay xirfad diyaarinta go’aannada iyo qoraallada sharciyeed.
-
Leeyahay aqoon wanaagsan oo Af-Soomaali, Af-Carabi iyo Af-Ingiriisi ah.
QAYBTA SADDEXAAD | GARSOORAHA MAXKAMADDA GOBOLKA (9 Garsoore)
Maxkamadaha Gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
-
Noqdo muwaadin Soomaaliyeed, kana soo jeedo deegaannada Koonfur Galbeed.
-
Da’diisu aanay ka rayayn 25 sano jir.
-
Ka haysto jaamacad la aqoonsan yahay, oo ugu yaraan ah LL.B ama shahaado sharci oo u dhiganta.
-
Leeyahay aqoon wanaagsan oo ku saabsan Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo qawaaniinta dalka, gaar ahaan xeerarka madaniga iyo ciqaabta.
-
Leeyahay ugu yaraan 2 sano oo waayo-aragnimo shaqo oo la xiriirta sharciga, garsoorka, xeer-ilaalinta, qareennimada ama shaqo sharciyeed oo la aqoonsan yahay.
-
Leeyahay xirfad wanaagsan oo ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo maaraynta dacwadaha.
-
Leeyahay anshax iyo sumcad wanaagsan.
-
Leeyahay aqoon wanaagsan oo ku saabsan adeegsiga kombiyuutarka.
-
Awood u leeyahay qorista iyo ku hadalka Af-Soomaaliga, Af-Carabiga iyo Af-Ingiriisiga.
QAYBTA AFRAAD | GARSOORAHA MAXKAMADDA DEGMADA (22 Garsoore)
Waxaa loo qoondayey 11 degmo: Baydhabo, Diinsoor, Berdaale, Buurhakaba; Xudur, Ceel-Barde, Waajid; Baraawe, Marka, Wanlaweyn iyo Afgooye.
-
Noqdo muwaadin Soomaaliyeed, kana soo jeedo deegaannada Koonfur Galbeed.
-
Da’diisu aanay ka rayayn 25 sano jir.
-
Ka haysto ugu yaraan LL.B ama shahaado sharci oo u dhiganta.
-
Leeyahay aqoon ku filan oo ku saabsan Shareecada, Dastuurka iyo xeerarka madaniga iyo ciqaabta.
-
Leeyahay ugu yaraan 2 sano oo waayo-aragnimo sharciyeed.
-
Leeyahay awood uu ku maareeyo dacwadaha, dhegaysiga dhinacyada iyo qiimeynta caddaymaha.
-
Leeyahay anshax iyo sumcad wanaagsan.
-
Leeyahay aqoon kombiyuutar.
-
Awood u leeyahay Af-Soomaali, Af-Carabi iyo Af-Ingiriisi.
-
U diiarsan yahay inuu ka shaqeeyo degmada loo qoondeeyo, iyadoo lagu salaynayo baahida adeegga garsoorka.
QAYBTA SHANAAD | XEER-ILAALINTA (4 Ku-xigeenno)
Ku-xigeenno Xeer-ilaaliyaha Guud, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud.
-
Noqdo muwaadin Soomaaliyeed, kana soo jeedo deegaannada Koonfur Galbeed.
-
Da’diisu aanay ka rayayn 25 sano jir.
-
Ka haysto jaamacad la aqoonsan yahay, oo ugu yaraan ah LL.B ama shahaado sharci oo u dhiganta.
-
Leeyahay aqoon wanaagsan oo ku saabsan Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo qawaaniinta dalka, gaar ahaan Xeerka Ciqaabta iyo Habka Ciqaabta.
-
Leeyahay ugu yaraan 2 sano oo waayo-aragnimo shaqo oo la xiriirta xeer-ilaalinta, garsoorka, qareennimada ama shaqo sharciyeed oo la aqoonsan yahay.
-
Leeyahay awood baaris iyo falanqayn dambiyeed, iyo diyaarinta eedeymaha iyo dokumentiyada dacwadaha.
-
Leeyahay xirfad wanaagsan oo ku saabsan soo bandhigidda kiisaska, qiimeynta caddaymaha iyo shaqaynta hay’adaha baarista.
-
Leeyahay anshax, daacadnimo, sir-ilaalin iyo sumcad wanaagsan.
-
Leeyahay aqoon wanaagsan oo ku saabsan adeegsiga kombiyuutarka.
-
Awood u leeyahay qorista iyo ku hadalka Af-Soomaaliga, Af-Carabiga iyo Af-Ingiriisiga.
WAAJIBAADKA GUUD EE GARSOORAYAASHA
Garsooraha waxaa looga baahan yahay:
-
Inuu si hufnaan, madaxbannaani, dhexdhexaadnimo, daacadnimo iyo caddaalad ku dheehan u gutaa waajibaadkiisa shaqo.
-
Inuu u hoggaansamo, dhaqangeliyo oo ilaaliyo sarraynta sharciga, isagoo ka fog cabsi, eex iyo cadaadis.
-
Inuu maamulo, socodsiiyo, dhegaysto, ka garnaqoo, kana gaaro go’aan dacwadaha horyaalla, si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka.
-
Inuu si dhexdhexaad ah u qiimeeyo caddaymaha, go’aankiisuna ku salaysnaado sharciga.
-
Inuu sameeyo cilmi-baaris sharciyeed oo la xiriirta dacwadaha iyo qawaaniinta khuseeya.
-
Inuu dacwadaha si hufan u socodsiiyo, isagoo ka fogaanaya dib-u-dhac aan sabab sharci ah lahayn.
-
Inuu bulshada u adeego si waafaqsan danta caddaaladda, sharciga iyo anshaxa garsoorenimo.
WAAJIBAADKA GUUD EE XEER-ILAALIYAHA
Xeer-ilaaliyaha waxaa looga baahan yahay:
-
Inuu ilaaliyo danaha guud, sharciga iyo caddaaladda.
-
Inuu si madaxbannaan oo dhexdhexaad ah u qiimeeyo dacwadaha ciqaabta iyo caddaymaha la xiriira.
-
Inuu hubiyo in baarista iyo dacwad-oogistu ay waafaqsan yihiin sharciga iyo xuquuqda aadanaha.
-
Inuu diyaariyo oo gudbiyo eedeymo iyo dokumentiyo sharciyeed oo sax ah.
-
Inuu maxkamadda horgeeyo kiisaska si xirfad iyo caddaalad ku dhisan.
-
Inuu ilaaliyo sirta xogta dacwadaha iyo anshaxa xeer-ilaalinta.
-
Inuu la shaqeeyo hay’adaha garsoorka iyo baarista, iyadoo la dhowrayo madaxbannaanida hay’ad kasta.
HABKA GUDBINTA CODSIGA
Qof kasta oo danaynaya jagooyinkan waxaa laga codsanayaa inuu soo gudbiyo dokumentiyada soo socda:
-
Taariikh Nololeedka (CV);
-
Codsi shaqo oo caddeynaya jagada uu musharraxu u tartamayo;
-
Nuqullada shahaadooyinka jaamacadeed iyo dokumentiyada kale ee khuseeya;
-
Aqoonsi shaqsi (ID) – NIRA ama baasaboor;
-
Dokumenti kasta oo kale oo lagu caddeynayo aqoonta iyo waayo-aragnimada musharraxa.
Fadlan ku cadey jagada aad rabto ama aad codsaneyso cinwaanka (Subject) warqada codsiga.
E-mail-ka codsiga:
garsoorexam@moj.sw.so
Nuqul (CC):
judiciary@moj.sw.so
Taariikhda kama dambaysta ah:
20/10/2026
FIIRO GAAR AH: Codsi aan buuxin shuruudaha kor ku xusan, ama aan lagu soo gudbin muddada loo cayimay, lama tixgelin doono.
Wixii caawimaad ah kala xiriir lambarada hoos ku qoran:
Tel: 0617636497 / 0615463747 | Email: garsoorexam@moj.sw.so | Baidoa, Somalia
WABILLAAHI TOWFIIQ
How to Apply
This role is listed on FursadLink and applications are submitted to the organization's official email address. Use the “Apply by Email” button above to proceed. Please reference “BAAHIN SHAQO – JAGOOYINKA GARSOORIYAAL & XEER-ILAALIYAAL (48 BOOS), Mogadishu”. Only shortlisted candidates will be contacted.