Job Description
Fursad Tababar Haween Soomaaliyeed 2026: Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Fursad Tababar u Furtay 2,000 Haween Soomaaliyeed
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, iyadoo ka duulaysa dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha, hoggaaminta iyo awoodda dhaqaale ee haweenka Soomaaliyeed, waxay ogeysiinaysaa haweenka Soomaaliyeed in la billaabayo Fursad Tababar oo ka tirsan Barnaamijka “Rajo Kaaba”.
Barnaamijkan waxaa loogu talagalay in lagu tababaro 2,000 oo haween Soomaaliyeed ah, kuwaas oo isugu jira haween ganacsato ah iyo kuwa doonaya inay bilaabaan ganacsi, iyadoo la siinayo aqoon iyo xirfado wax-ku-ool ah oo la xiriira ganacsiga, maaliyadda, tiknoolajiyadda dijitaalka ah, hal-abuurka ganacsi iyo hoggaaminta.
UJEEDDADA BARNAAMIJKA
Ujeeddadu waa in haweenka Soomaaliyeed lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha ay uga baahan yihiin dakhli-abuurista, horumarinta shaqada, billaabista iyo kobcinta ganacsiyada, iyo in la taageero adkaysigooda dhaqaale ee muddada fog.
KOXAHA TABABARKA
Ka-qaybgalayaasha waxaa loo qaybin doonaa laba kooxood:
Tababarka Hoggaaminta iyo Helitaanka Shaqo
Tababarka Ganacsiyada Yaryar iyo Ganacsatada Soo Baxaya
Casharrada waxaa loo bixin doonaa qaab isku-dhafan (fool-ka-fool iyo online), si loo gaarsiiyo haweenka ku sugan deegaanno kala duwan oo dalka ah.
Ka-qaybgalayaasha si guul leh u dhammaysta tababarka waxay heli doonaan shahaado rasmi ah, iyo fursad ay ku helaan hagid iyo la-talin (Mentorship).
SHURUUDAHA
Codsaduhu waa inay:
1. Tahay haweeney muwaadinad Soomaaliyeed ah oo haysata dukumenti aqoonsi oo ansax ah.
2. Da’deedu u dhexayso 22 ilaa 45 sano marka ay codsiga gudbinayso.
3. Deggan tahay Dowlad-goboleed Xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Maamulka Gobolka Banaadir.
4. Diyaar u tahay inay si buuxda uga qaybqaadato muddada tababarka.
5. Muujiso danayn ku aaddan horumarinta shaqada, hoggaaminta, ganacsiga ama ka-qaybgalka bulshada.
6. Ka go’an tahay inay ku dabaqdo aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ka hesho.
7. Soo gudbiso codsi dhammaystiran iyo dukumentiyada taageeraya ee loo baahan yahay.
Haddii aad daneyneyso codsigaaga waxaad kusoo diri kartaa mareegta hoose https://scholarship.moe.gov.so/leaderships
F.GMudnaan gaar ah ayaa la siin doonaa haweenka qaba baahiyaha gaarka ah.
DHAMMAAD.
=AUDyxN7psGGXPTNJILzFri_XDRsX2hTrBOXsd_pb-2Y_q1_BU-m60KAII-7UHHdxXZ7Q2gBsYwWHmbaomrJK-mArp5B_sfNLreBi7mN1TTAhTJOzsk4M5ceGotiwelrDW0njBFvkLCZ3aLzDTj7D3W7fsE2oecspUAyHZ5BcGvCwtbrqoO30Lor7BaqBLng” icon=”HALKAN KA CODSO” target=”true”]HALKAN KA CODSO
How to Apply
This role is listed on FursadLink and applications are submitted on the organization's official website. Use the “Apply on External Website” button above to proceed. Please reference "Fursad Tababar Haween Soomaaliyeed 2026: Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Fursad Tababar u Furtay 2,000 Haween Soomaaliyeed, Nationwide". Only shortlisted candidates will be contacted. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare is an equal-opportunity employer and strongly encourages women to apply.
