JUS
★ La doorbidayAdministration & Mgmt

bareyaal jaamacadeed (8 boos )

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed · Mogadishu
MogadishuFull-timeSalary not disclosedCloses 30 Sept 2026
Ku codso Bogga Rasmiga ah
Applications are handled on the organization's official careers site.

Job Description

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxay ogeysiinaysaa dhammaan aqoonyahannada Soomaaliyeed ee buuxin kara shuruudaha hoos ku xusan inay bannaan yihiin 8 boos oo bareyaal jaamacadeed ah, kuwaas oo ka kala bannaan afar kulliyadood.

Boosaska Bannaan

1. Kulliyadda Culuumta Caafimaadka – Muqdisho 3 Bare | Ammin-Dhimman (Part-Time)

- Midwifery – 1 boos

- Histopathology and Cytopathology – 1 boos

- Medical Parasitology – 1 boos

2. Kulliyadda Dhaqaalaha & Maamulka – Muqdisho

1 Bare | Ammin-Buuxa (Full-Time)

- Statistics – 1 boos

3. Kulliyadda Injineeriyadda – Muqdisho

2 Bare | Ammin-Dhimman (Part-Time)

- Architecture Engineering – 2 boos

4. Kulliyadda Sayniska – Muqdisho

2 Bare | Ammin-Dhimman (Part-Time)

- Petroleum Geology & Energy Resources – 1 boos

- Geology – 1 boos

Shuruudaha Codsadaha

Codsaduhu waa inuu:

- Haystaa shahaadada heerka koowaad iyo labaad, ama heerka saddexaad, ee takhasuska uu codsanayo.

- Leeyahay ugu yaraan celcelis darajo B.

- Leeyahay ugu yaraan 3 sano oo khibrad wax-dhigis heer jaamacadeed ah.

- Sameeyey cilmi-baarisyo la xiriira takhasuskiisa.

Dukumentiyada Loo Baahan Yahay Codsadayaasha waxaa laga doonayaa inay soo gudbiyaan:

- Sooyaal-nololeed (CV)

- Codsi shaqo (Application Letter)

- Shahaadooyinka waxbarasho iyo Transcripts

- Warqad caddeynaysa khibradda shaqo (Employment Experience Certificate)

Habka Codsiga Buuxi foomka Codsiga Shaqada adiga oo dhamaan dukumintiyada loo baahan yahay soo xaraynaya

HALKAAN KA CODSO

Waqtiga kama dambaysta ah ee codsiga: 30-ka Sebtembar 2026. Xuquuqda bareyaasha waxaa lagu bixin doonaa iyadoo la raacayo nidaamka mushaar-bixinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha

Apply on employer site

Sida loo codsado

Shaqadan waxaa lagu soo bandhigay FursadLink, codsiyadana waxaa lagu gudbiyaa bogga rasmiga ah ee ururka. Isticmaal badhanka “Ku codso Bogga Rasmiga ah” ee kor ku yaal si aad u sii wadato. Fadlan ku xus “bareyaal jaamacadeed (8 boos ), Mogadishu”. Kaliya codsadayaasha la xushay ayaa la soo xiriiri doonaa. Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa shaqo-bixiye fursad siman siiya dhammaan, waxaanu si gaar ah ugu dhiirrigelinayaa haweenka inay codsadaan.

GFC
Translator
Global Fertility Center
★ La doorbiday
MogadishuFull-time
Administration & Mgmt
Today
MCD
Meal officer
Mother and Child Development Organization
★ La doorbiday
JigjigaFull-time
Administration & Mgmt
Yesterday
HI
Intern Physiotherapist
Humanity And Inclusion
★ La doorbiday
Somali Regional State Of EthiopiaFull-time
Administration & Mgmt
Yesterday